HirShabelle oo war cusub kasoo saartay dagaalkii cuslaa ee ka dhacay Beledweyn

0

JOWHAR (SMN) –  Wasiirka Arrimaya Gudaha HirShabelle Cabdi Daahir Guure oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyay dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

 

Dagaalkaas ayaa waxa uu dhexmaray ciidamada maamulka HiSshabelle iyo kuwa kale oo taabacsan maamulka isku magacaabay Hiiraan State, waxaana ka dhashay khasaare soo kala gaaray labada dhinac.

Wasiirka ayaa sheegay in mas’uuliyada dagaalkaasi ay qaadi doonaan ciddii bilowday, isaga oo tilmaamay in aysan jirin wax la yiraahdo Hiiraan State.

Dagaalkii ka dhacay Beledweyne ayaa sababay in ciidamada taabacsan Hiiraa State ay si buuxda ula wareegaan guud ahan magaaladaas iyo xarumaha muhiimka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here