Dabkii ka kacay suuqa weyn ee magaalada Wajaale oo la damiyay

0

WAJAALE (SMN) – Ciidamada Dab Damiska ee Somaliland ayaa soo afjaray daminta dab xalay fiidkii ka kacay suuqa degmada Tog Wajaale oo ku taala xuduudda Somaliland la wadaagto dalka Itoobiya.

 

Dabka ayaa baabi’iyay mehrado ganacsi oo aad u ballaaran, waxana hadda socota qiimeynta hantida ku basbeeshay suuqa.

Ganacsatada ayaa bilaabay in mehradaha badbaaday ay kala baxaan hantidooda, iyadoo kuwii mehraduhu ka gubteenna ay ka raadinayaan, wax uun uga badbaaday hantidooda.

Ciidamada Dab Damiska dawlad deegaanka Soomaalida oo iyana gurmad ahaan u yimid, ayaa ka qayb qaatay in la damiyo dabka suuqa Tog Wajaale.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here