Ciidamada dowladda oo si buuxda ula wareegay magaalada Camaara

0

CAMAARA (SMN) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa lagu soo warramayaa inay maanta la waeeegeen magaalada Camaara ee koonfurta gobolka Mudug.

 

Ilo dadka deegaanka ah ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay in ciidamada ay si nabdoon kula wareegeen magaaladaasi, kadib markii ay ka baxeen xubnaha Al-Shabaab.

Camaara oo ah magaalo istaraatiiji ah ayaa waxay wararku sheegayaan inay haatan howlgallo amni xaqiijin ah ka wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka

Sidoo kale ciidamada ayaa horay u qabsaday Bacaadweyne iyo Qaycad oo ay horay ugu sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab, waxayna haatan ka wadaan howlgal amni xaqiijin.

Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here