Faah-faahino ka soo baxaya qarax ka dhacay dalka Kenya + Khasaaraha

0

MANDHEERA (SMN) – Ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhintay 8 kalena way ku dhaawacmeen qarax miino oo xalay fiidkii ka dhacay degmada Mandheera ee u dhow xuduudka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

 

Gaari Bas ah oo ka soo ambabaxay magaalada Mandheera kuna sii jeeday degmada Wajeer ee dariska la ah  ayaa waxaa haleelay qarax miino oo ay aaseen kooxo looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday booliska.

Dhacdadan ayaa dhacday xilli ay xoojiyeen howlgallada ay wadaan ciidamada gaarka ah ee Kenya.

Dhanka kale wararka inaga soo gaaraya deegaanka Bamboo ee Gobolka Waqooyi Bari ayaa sheegaya in  dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadaeen deegaankaasi.

Booliska ayaa sheegay in ay baarayaan sheegashada ah in kooxdu ay afduubteen saddex qof.

Degmada Mandheera oo dhacda xuduud Kenya iyo Soomaaliya ayaa ka mid ah meelaha sida daran ay u saameeyeen weerarada Al-Shabaab.

Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa dhowrkii sano ee ugu dambeeyay waxaa ka dhacayay weeraro bambaanooyin ah oo isugu jiray qaraxyo tan iyo markii Kenya ay ciidamadeeda u soo dirtay Soomaaliya 2011-kii si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here