Ciidamada dowladda oo toogtay nin xalay dil ka geystay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan oo xalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay laamaha amnaanka ku dileen deegaanka Garasbaaley xubin ka tirsan Al-Shabaab, kadib markii uu dilay askari ka tirsanaa ciidanka Booliska gaar ahaan laanta canshuuraha.

Afhayeenka ayaa sheegay in dilkaas uu dhacay intii lagu howlanaa Afurka, wuxuuna ninka askariga dilay duubayey muuqaal muujinaya sida uu u dhacay falkaasi.

“Dhagarqabaha wuxuu watay Kaamirad uu ku cadeynaayo askariga Sooman ee uu dilay, sidoo kale wuxuu ku hadlaayey taleefoon, waana lagu hagaayey dilka askarigaas,” ayuu yiri Cabdifitaax Aadan.

Goobta uu afhayeenku ku qabtay shirkaan jaraa’id ayaa lagu soo bandhigay meydka ninka la toogtay ee ka tirsanaa Al-Shabaab iyo akaamiradii uu ku duubay askariga uu dilay oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya.

“Waxaan uga digeynaa dhallinta Soomaaliyeed ee loo adeegsanayo inay dadka sooman dilaan xiligaan fadliga badan ee lagu guda jira bishaan barakeysa, waa idiin furan tahay gacanteena ee ka waantooba waxaas diin maahane,” ayuu hadalkiisa ku sii daray afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here