Degmada Ufurow oo xalay guul weyn ka gaartay dhiggeeda Kismaayo

0

MUQDISHO (SMN) – Tartan aqooneedka faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa waxaa xalay ku loolamay Degmooyinka Ufurow iyo Kismaayo oo kala kala tirsan gobollada Baay iyo Jubbada Hoose

Ufurow oo ay guushu raacday ayaa heshay 10 dhibcood, halka Kismaayo oo laga badiyey ay keensatay 6 dhibcood, sida uu ku dhawaaqay guddiga tartanka.

Degmada Ufurow ee gobolka Baay ayaa sidaas ugu gudubtay wareega labaad ee tartanka Shabelle, halka degmada Kismaayo ay ka hartay guud ahaan tartanka.

Sidoo kale waxaa caawa tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan ku ballasan degmooyinka Kaxda iyo Xamarweyne oo ka wada tirsan gobolka Banaadir.

Sanadkan tartan aqooneedka Shabelle waxaa taaba-gelinaya shirkadda isgaarsiinta Somtel oo abaal-marin guddoonsiin doonto degmooyinka gala kaalmaha 1-aad iyo 2-aad.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here