Ciidamada dowladda Soomaaliya oo fashiliyey qarax miino

0

BAYDHABO (SMN) – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qaybtooda 60-aad ayaa howlgal ballaaran ka sameeyey qaybo ka mid ah gobolka Baay ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ciidamada ayaa fashiliyey qarax miino oo la doonayey in lagu aaso deegaanka Goof-guduud ee gobolka Baay.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in miinadaas ay ku qaraxday ninkii aasayey, sidoo kalena ay gacanta ku soo dhigeen Mooto Fekon oo uu watay.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro dhabagal ah ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM xilliyada ay isaga kala gooshayaan gobollada Baay & Bakool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here