Ra’iisul wasaare Rooble oo taageeray go’aankii Cali Guudlaawe

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa war kasoo saaray dhammeystirka doorashada Golaha Shacabka, isaga oo ka dalbaday Jubbaland iyo HirShabelle inay dadajiyaan xubnaha ku harsan.

Rooble ayaa sidoo kale soo dhaweeyey xilka qaadistii lagu sameeyey guddoomiyihii guddiga SEIT ee HirShabelle, Mudane Axmed Xasan Diini.

Halkan hoose ka aqriso:-

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, waxa uu si dhaw ula socdaa juhdina ku bixinayaa dhammaystirka doorashada kuraasta Golaha Shacabka BFS ee wali harsan isagoo kala shaqaynaya Madaxda Dowlad-goboleedyada Jubaland iyo Hirshabeelle

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu u hambalyaynayaa Maxamed Xuseen Maxamed oo xubin ka noqday Guddiga Doorashada ee Hirshabelle kaas oo badalaya Axmed Xasan Diini, waxa uuna farayaa dhamaan Guddiyada doorashooyinka in ay ku shaqeeyaan habraacyada iyo heshiisyada Doorashada ilaaliyaanna kala danbaynta.

Ra’iisul Wasaaraha oo khadka taleefanka kula hadlay Madaxwaynaha Hirshabeelle Ali Gudlawe Hussein ayay ka wada hadleen in kuraasta Xildhibaannada ee taalla Baladwayne loogu tartamo si furan isla markaana aan shaqsi gaar ah loo xirin.

Ugu danbayn Ra’iisul Wasaaraha XFS waxa uu ku boorrinayaa Madaxda Jubaland iyo Hirshabeelle in ay sida ugu dhaqsaha badan u soo dhammaystiraan Kuraasta Golaha Shacabka ee harsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here