Muqdisho – Ciidamada Gaarka ah ee CXD ayaa xalay howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Buula Madiina ee hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo ku guuleystay in ay dib u soo celiyaan xorriyadooda 30 qof oo ay ku jiraan labo dumar ah, kuwaas oo kooxihii afduubka haystay ku haysteen xaalad adag.
Howlgalkan ayaa sidoo kale waxaa lagu burburiyay xabsigii iyo maxkamad beenaadkii dadka rayidka ah lagu ciqaabi jiray, taas oo muujinaysa sida ciidamadu u dadaalayaan in ay ka hortagaan tacaddiyada iyo cadaadiska lagu hayo shacabka deegaanka.
Taliska Ciidamada Gaarka ah ee CXD ayaa sheegay in howlgalkan uu qayb ka yahay qorshe joogto ah oo lagu xaqiijinayo amniga shacabka, laguna sugayo xasilloonida guud ahaan dalka, iyada oo la baacsanayo kooxaha khatarta ku haya amniga bulshada.
Ciidamada ayaa intaa ku daray in howlgalada noocan ah ay muhiim u yihiin ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo in shacabka lagu noolaado deegaan ammaan ah, ayna sii xoojinayaan isku xirnaanta bulshada iyo ciidamada.





