Ciidamada howlgalka ATMIS oo dib ugu laabtay xeradooda Buulo-Mareer

0

BUULO-MAREER (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay ciidamada ATMIS ay dib ugu laabteen xeradii ay ku lahaayeen gudaha magaalada Buulo-Mareer oo Jimcihii lasoo dhaafay ay cagta mariyeen Al-Shabaab.

 

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamada ATMIS oo wata gaadiidka dagaalka ay dib ula wareegeen xerada, isla-markaana ay halkaasi ka sameyeen howlgal ballaaran.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamad ATMIS oo kaashanayaa kuwa Xoogga dalka ay isku fidiyeen agagaarka magaalada Buulo-Mareer, si ay uga hortegaan weeraro kale oo ay ku soo qaadaan xoogaga Al-Shabaab oo ku xoogan halkaasi.

Xaaladda Buulo-Mraeer ayaa haatan ah mid deggan, inkastoo weli uu ka muuqdo raadka weerarkii xooganaa ee ay Al-Shabaab ka fuliyeen gudaha magaaladaasi.

Weerarkan ayaa ka mid noqday kuwii ugu khasaaraha badnaa ee lagu qaado ciidamada howlgalka ATMIS, gaar ahaan kuwa dalka Uganda oo askar badan looga laayay halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here