Ciidamada Itoobiya oo dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay gobolka Hiiraan

0

BELEDWEYNE (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo deegaanka Halgan ee gobolkaasi, halkaas oo ay dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabeen ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolka.

 

Ilo dadka deegaanka ayaa innoo sheegay inay arkayaan gaadiidka ciidamada oo isaga kala goosha deegaanka, taas oo keentay in dhaq-dhaqaaqyo laga dareemo halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay isaga baxayaan saldhigga ay ku leeyihiin Halgan, halkaas oo ay marar badan kula dagaalameen Al-Shabaab.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka deegaanka, kan gobolka iyo saraakiisa ciidamada Xoogga dalka ee ku aadan dhaq-dhaqaaqaasi.

Ciidamada Itoobiya ayaa dhowaan isaga baxay xero ay kaga sugnaayeen magaallo xeebeedka Kismaayo, kuwaas oo qayb ka ahaa howlgalka ATMIS ee Soomaaliya.

Sabata waxaa lagu sheegay in qorshaha bixitaankooda uu qayb ka yahay dhimsta ciidamada ka socda howlgalka Midowga Afrika ee jooga gudaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here