Ciidamada Itoobiya oo madaafiic ku garaacay duleedka degmada Diinsoor

0

DIINSOOR (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidanka Itoobiya ay maanta madaafiic ku garaaceen duleedka degmada Diinsoor ee gobolkaasi.

 

Madaafiicda ayaa lagu soo warramayaa in lala bartilmaameedsaday deegaano ay ku sugan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab oo inta badan weeraro ku soo qaada degmadaasi.

Ilo dadka deegaanka ayaa innoo sheegay inay maqlayeen dhawaqa madaafiicda, ayaga oo sheegay inay dareemeen cabsi xoogan.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan madaafiicda ah ee ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ka gaysteen halkaasi.

Deegaanada hoos yimaada Diinsoor ayaa waxaa ku sugan xubnaha Al-Shabaab oo go’doon geliyay degmadaasi, waxayna inta badan weeraro ku qaadaan ciidamada huwanta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here