Faah-faahino ka soo baxaya weerar ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar qorsheysan oo ay saaka rag hubeysan ku qaadeen fariisin ciidan oo ku taalla deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

 

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in weerarka loo adeegsaday bam-gacmeed lagu qaaday xarun ay ciidanka xasilinta ku leeyihiin halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in wax khasaare ah uusan soo gaarin ciidanka la weeraray, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid deggan.

Sidoo kale ciidamada la weeraray ayaa haatan howlgallo amni xaqiijin ah ka bilaabay qaybo kamid ah deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Inta badan fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ayaa waxaa weeraro culus ku qaada xubnaha Al-Shabaab, waxaana ka dhasha khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here