Ciidamada Jubbaland oo fashiliyey miino lagu aasay magaalada Kismaayo

0

KISMAAYO (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal ay ciidamada ammaanka Jubbaland saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo oo xarun u ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa fuliyey ciidamada nabad sugida ee maamulkaasi, iyaga oo ku fishiliyey miino lagu aasay xaafadda Farjanno ee magaaladaasi.

Qoraal ka soo baxay taliska nabad sugida ee Jubbaland ayaa loogu mahadceliyey shacabka Kismaayo oo qaraxaas ku wargeliyey ciidamada ammaanka ee maamulkaasi.

“Hay’adda Nabad sugida & Sirdoonka Jubbaland waxay uga mahadcelinaysaa shacabka  Kismaayo sida kalsoonida leh ee ay ula shaqeynayaan laamaha amniga ugana qeyb qaadanayaan sugida amniga iyo la dagaalanka argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxa gudaha magaalada Kismaayo ka socday howl-gallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo amniga magaaladaasi oo ka mid ah meelaha loo qorsheeyey inay ka dhacaan doorashooyinka dalka, gaar ahaan mida golaha shacabka ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here