Waa sidee saaka xaaladda guud ee magaalada Guriceel?

0

Guriceel (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in weli xiisad dagaal oo xoogan ay ka taagan tahay gudaha magaalada Guriceel ee gobolkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in weli rasaas teel teel ag laga maqlayo gudaha magaalada, gaar ahaan dhanka waqooyi oo ay isku horfadhiyaan labada dhinac.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna ay kala joogaan meelihii shalay ay ku kala sugnaayeen oo ay ka wadaan abaabul xoogan.

Dagaalka Guriceel ka socda ayaa dhaliyey khasaare xoogan, waxaana ku dhintay dad badan oo isugu jirao, saraakiil, askar iyo sidoo kale dad shacab ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here