Ciidamada Jubbaland oo la wareegay deegaano ku yaalla gobolka GEDO

0

DOOLOW (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Jubbaland ay qaadeen howlgallo ka dhan Al-Shabaabka ku sugan gobolkaasi.

 

Ciidamada ayaa isku fudiyay deegaano u dhexeeya degmooyinka Doolow iyo Luuq, halkaas oo laga saaray Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha Jubbaland.

Sidoo kale saraakiisha ayaa shaaca ka qaaday inay howlgalladan ku dileen ugu yaraan 3 ka tirsanaa Al-Shabaab, ayna ku dhaawaceen 6 kale.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Daraawiishta Jubbaland.

Xaaladd ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemaya qaybo badan oo kamid ah gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here