Ciidamada Kenya ee AUSSOM oo Xoojiyey Dhaqdhaqaaqyada Ay Ka Wadaan Jubaland

0

KISMAAYO – Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ee ka tirsan Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa lagu guddoonsiiyay billado sharaf ay Midowga Afrika ku maamuuseen doorkooda ku aaddan taageeridda nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

 

Munaasabadda billad-bixinta oo ka dhacday magaalada Kismaayo ayaa waxaa guddoomiyay Taliyaha Qaybta 2-aad ee AUSSOM, Sarreeye Guuto Edward Banda, isagoo ku hadlayay magaca Taliyaha Guud ee AUSSOM, Sarreeye Guuto Sam Kavuma. Waxaana ka qeyb galay Wasiirka Amniga Jubaland, Sarreeye Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan, iyo Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), Fernando Tomé.

Sarreeye Guuto Banda ayaa ku ammaanay ciidamada Kenya xirfadda, hufnaanta iyo dadaalka ay muujiyeen muddadii 14-ka bilood ahayd ee ay ka howlgalayeen Soomaaliya, isagoo sheegay in waxqabadkoodu uu door weyn ka qaatay xoojinta amniga iyo xasilloonida deegaannada ay ka howlgalaan.

Wasiirka Amniga Jubaland, Yuusuf Xuseen Cismaan, ayaa uga mahadceliyay ciidamada Kenya taageerada ay siiyeen howlgalka AUSSOM iyo xiriirka wanaagsan ee ay la leeyihiin bulshada deegaanka, isagoo sidoo kale bogaadiyay kaalintooda ku aaddan tababarrada iyo awood-dhisidda Ciidamada Amniga Soomaaliya.

Dhankiisa, Fernando Tomé ayaa sheegay in billadahani ay yihiin aqoonsi ku habboon dadaalka iyo naf-hurnimada ciidamada Kenya, isagoo xusay in waxqabadkoodu uu saameyn muuqata ku yeeshay amniga magaalada Kismaayo iyo guud ahaan deegaannada Jubaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here