Ciidamada Kenya ee nabad-ilaalinta oo ka qeyb qaadanaya dadaallada lagula dagaallamayo Ebola ee Jamhuuriyadda Congo

0

Kinshasa – Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ee qeybta ka ah howlgalka nabad-ilaalinta Qaramada Midoobay ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (MONUSCO) ayaa xoojinaya dadaallada lagu ilaalinayo shacabka iyo taageeridda hawlaha bani’aadannimo, iyadoo dalkaasi uu wajahayo xaalado amni iyo caafimaad oo ay ka mid tahay faafitaanka cudurka Ebola.

 

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Difaaca Kenya ayaa lagu sheegay in Ciidanka Shanaad ee Jawaab-celinta Degdegga ah ee Kenya (KENQRF 5) ay la wareegeen mas’uuliyadda hawlgalka joogtada ah ee amniga ee deegaanka Nia Nia, gobolka Ituri, kaddib markii ay xilka kala wareegeen ciidamada jawaab-celinta degdegga ah ee Nepal.

Isbeddelkan ayaa la sheegay inuu xaqiijinayo sii socoshada joogitaanka ciidamada MONUSCO ee deegaankaas, oo ay ka jiraan khataro la xiriira kooxaha hubeysan iyo xaaladaha caafimaad ee ka dhashay faafitaanka Ebola.

Ciidamada KENQRF 5 ayaa deegaanka Nia Nia la geeyay laba bilood ka hor, xilli ay sare u kaceen dadaallada wax looga qabanayo cudurka Ebola. Hawlgalka ayaa ujeeddadiisu ahayd ilaalinta dadka nugul, sugidda kaabeyaasha muhiimka ah iyo fududeynta helitaanka adeegyada caafimaadka.

Mas’uuliyadda cusub ee ciidamada Kenya ayaa xoogga saareysa ilaalinta dadka rayidka ah, ka hortagga khataraha uga imaan kara kooxaha hubeysan, taageeridda wacyigelinta bulshada ee ka hortagga Ebola iyo sugidda xarumaha daaweynta iyo goobaha kale ee muhiimka u ah adeegyada caafimaadka.

Sidoo kale, ciidamada ayaa door ka qaadan doona sugidda amniga shaqaalaha caafimaadka, hay’adaha gargaarka iyo bulshada deegaanka, si loo xaqiijiyo in howlaha caafimaadka iyo gargaarka bani’aadannimo ay u socdaan si aan kala go’ lahayn.

Wasaaradda Difaaca Kenya ayaa sheegtay in doorka ciidamada uusan ku koobnaan doonin sugidda amniga, balse ay sidoo kale gacan ka geysan doonaan dhisidda kalsoonida bulshada iyo wacyigelinta caafimaadka dadweynaha, maadaama xakameynta cudurrada faafa ay ku xiran tahay iskaashiga ciidamada ammaanka, shaqaalaha caafimaadka iyo bulshada.

Hawlgalka ayaa muujinaya xiriirka ka dhexeeya amniga iyo caafimaadka dadweynaha, iyadoo joogitaanka ciidamada Kenya ee Nia Nia la filayo inuu gacan ka geysto fududeynta howlaha gargaarka, ilaalinta xarumaha caafimaadka iyo taageeridda dadaallada lagula tacaalayo Ebola.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here