Madaxweynaha Jubaland oo xarigga ka jaray dhismayaal cusub oo laga hirgeliyay Dekedda Kismaayo

0

Kismaayo – Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa xalay xarigga ka jaray dhismayaal cusub oo laga hirgeliyay Dekedda Magaalada Kismaayo, kuwaas oo qayb ka ah mashaariicda dib-u-dhiska, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo casriyeynta adeegyada iyo qalabka dekedda.

 

Mashaariicdan ayaa lagu hirgeliyay iskaashi dhexmaray Dowladda Jubaland iyo shirkadda Abu Dhabi Ports Group (AD Ports Group), waxaana ay ka dhigan yihiin wajiga koowaad ee qorshe ballaaran oo lagu horumarinayo Dekedda Kismaayo, si looga dhigo xarun ganacsi oo casri ah, loona kordhiyo awooddeeda shaqo, tayada adeegyada iyo kaalinta ay ku leedahay kobaca dhaqaalaha Jubaland.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale daahfuray dib-u-hawlgelinta xafiisyada iyo waaxyaha kala duwan ee dekedda, kuwaas oo lagu sameeyay dib-u-habeyn iyo casriyeyn. Tallaabadan ayaa la sheegay in looga gol leeyahay dardargelinta howlaha shaqo, kor u qaadista hufnaanta maamulka iyo tayeynta adeegyada ay dekeddu siiso ganacsatada iyo bulshada.

Intii ay munaasabaddu socotay, Madaxweynaha Jubaland ayaa warbixin faahfaahsan ka dhageystay maamulka Dekedda Kismaayo iyo mas’uuliyiinta shirkadda gacanta ku haysa dib-u-dhiska iyo horumarinta dekedda. Warbixinta ayaa diiradda lagu saaray qorshayaasha iyo wejiyada xiga ee mashaariicda, iyo tallaabooyinka la qorsheeyay ee lagu sii ballaarinayo laguna casriyeynayo kaabeyaasha dekedda.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan labada Gole ee Dowladda Jubaland, mas’uuliyiin iyo maamulka Dekedda Kismaayo, wakiillo ka socday shirkadda AD Ports Group iyo howlwadeennada kala duwan ee dekedda.

Hirgelinta wejigan koowaad ayaa qayb ka ah dadaallada Dowladda Jubaland ay ku horumarinayso kaabeyaasha dhaqaalaha, dhiirrigelinayso maalgashiga, isla markaana kor ugu qaadaysa ganacsiga. Dekedda Kismaayo ayaa muhiim u ah isku xirka ganacsiga gudaha iyo kan caalamiga ah, waxaana la filayaa in casriyeynteedu ay gacan ka geysato kobaca dhaqaalaha iyo tayeynta adeegyada dekedda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here