Ciidamada NISA oo howlgal ka bilaabay magaalada Dhuusamareeb

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Cidamada nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ayaa 48-kii saac ee ugu dambeeyay howlgalo amniga lagu xaqiijinayo ka bilaabay xaafadaha magaalada Dhuusamareeb.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa warbaahintA u sheegay in ujeedka baaritaanka uu yahay sidii looga hortagi lahaa cid kasta oo ku howlan carqaladeynta ammaanka caasimadda Galmudug iyo dhaqan gelinta awaamiirta kasoo baxday wasaaradda amniga.

Taliyaha ciidamada nabad sugida magaalada Dhuusamareeb Dhamme Najiib Xirsi dhoore iyo ku-xigeenkiisa Cabdisalaan Ciise oo kormeeray goobaha kala duwan ay ciidamada ka wadaan howlgalka ayaa bogaadiyay shaqada adag ay ciidamada bulshada u hayaan.

Ciidamada ayaa si gaar ah baaris ah ugu sameynaya guryaha si ay u ogaadaan dadka degan iyo haddii ay jiraan hub ay haystaan dadweynaha ku nool halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here