Ciidamada Puntland oo howl-gallo ka sameeyey gobolka Mudug + Ujeedka

0

Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Puntland ay howl-gallo ka sameeyeen degmooyinka Jarriiban iyo Galdogob ee gobolkaas.

Howl-galladan ayaa waxaa lagu soo qab qabtay shabakado isku xiran oo ka ganacsada maan-dooriyaha Khamriga, sida ay shaaciyeen saraakiisha ammaanka ee Puntland.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay in dadkaasi la soo taagi doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Puntland ayaa beryihii dambe xoojisay howl-gallada lagu xaqiijinayo amniga ee ka socda gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here