Ciidamada Puntland oo qabtay shabakad ka tirsan Al-Shabaab + Sawirro

0

GAROOWE (SMN) – Ciidamada booliska Puntland ayaa xalay magaalada Garoowe ku qaybtay shabakad ka tirsan Al-Shabaab oo qalab u siday kooxda, sida lahu sheegay warbixin kasoo baxday booliska.

 

Shabakaddan oo ka kooban 5 qof ayaa waxaa sidoo kale agu qabtay qalab ay u wadeen Al-Shabaabka ku sugan dhulka buuraleyda ee Puntland.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan Qeybta Gobolka Nugaal ayaa Koontaroolka Galbeed ee caasimadda Garoowe ku qabtay qalab loo waday Kooxaha argagixisada iyo dadkii wadday.

Ciidanka ayaa gacanta ku dhigay qalabka iyo dadkii la socday kuwa oo tiradoodo 5 qof, 4 rag iyo hal haween ah kuwaa oo Hay’adaha amniga la socdeen.

Eedeysanayaasha la qabtay ayaa kala ah,

  1. Faisa Cali Maxamed
  2. Cabdi Axmed Cusmaan.
  3. Haaddi Cumar Cilmi
  4. Cabdi Maxamuud Cali
  5. Saalax Cabdulqaadit Mahad

Qalabka ay leeyihiinΒ  Argagixisada Al-shabaab ayaa kala ah;

  1. Gacamo kuwa loo isticmaalo GPS MAP.
  2. Qalbkaa Caafimaad oo dhamaystiran ( A leukocyte alkaline phosphatase (LAP) – Laboratory
  3. Biisooyin Kaashwito
  4. Kabo balistig ah.
  5. Envactar kuwa solar loo isticmalo. ( Inverter solar energy system)
  6. Hal Mobile kuwa qarxa lagu kiciyo. ( An improvised explosive device (IED) Cell Phone)

Laanta Dembi-baarista ee Qeybta Booliska Gobolka Nugaal ayaa xaqiijiyey in dadka la qabtay iyo qalabka ay wadeen ay ku socdeen Buuraha Gobolka Bari, kuwaa oo laga keenay Koonfurta dalka Soomaaliya.

Booliska Qeybta Gobolka Nugaal ayaa eedaysanayaasha iyo qalabka lagu qabtay la horgayn doonaa Laamaha Garsoorka.

Booliska ayaaΒ  fariin adag u diraya dhammaan dadka ku hawlan falalka amniga lidka ku ah in tilaabo sharci ah laga qaadi doono, waxaana shacabka Puntland ugu baaqeynaa inay la shaqeeyaan Laamaha amniga si kooxaha Argagixisada ah tilaabo sharci ah looga qaado.

#FIIROGAARAH: Haddii aad heshid xog ku saabsan falal Amni daro ama aad arragtid wax aad ka shakisan tahay iyo wax walba oo la Xiriira dhaq-dhaqaaqa Amniga Puntland, isla markaana aad ku sugan tahay gudaha dalka.

Fadlan, La soo xiriir Ciidanka Booliska Puntland oo #Wac 999 haddii aad ka warbixinayso dembi socda ama haddii ku jirto khatar degdeg ah 24/7

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here