Guddoomiye Sacdiya Yaasiin oo kulan la yeelatay safiirka Imaaraadka + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo booqatay Safaraadda Dwladda Imaaraatka Carabta ee Muqdisho ayaa la kulantay bSafiirka ufadhiya dalka  Amb.Axmed Jumca Al-Rumeysi.

 

Ugu horeyn Guddoomiye Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa Danjiraha Dalka Imaaraadka Carabta uga tacsiyadeeysay  saraakiishii ku geeriyootay weerarkii argagixisanimo ee 10- febraayo 2024 kadhacay Xerada Gen.Gordan ayagoona dalkeenna u joogay ineey gacan ka geystaan dib u dhiska Ciidamada Qalabka-sida,

Intaasi kadib Guddoomiyaha iyo safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada Baarlamaan Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta.

Ugudanbeeyn Guddoomiye Sacdiya ayaa uga mahadceliysay Dowladda Imaaraatka Carabta taageerada ay siiso Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here