BUURHAKABA, Soomaaliya — Ugaas iyo Guddoomiye Watiin ayaa khudbado ka jeediyay degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, kadib markii ay degmada la wareegeen ciidamada taageersan maamulka Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.
Buurhakaba ayaa ku taalla gobolka Baay, qiyaastii 60 kiiloomitir waqooyi-bari kaga beegan magaalada Baydhabo iyo ku dhowaad 180 kiiloomitir koonfur-galbeed kaga beegan Muqdisho.
La wareegidda degmada ayaa timid iyadoo ay socdaan isbeddello amni iyo siyaasadeed oo ka jira gobolka Baay, halkaas oo ay isku hayaan dhinacyo kala duwan oo ku loolamaya gacan ku haynta deegaannada iyo maamulka Koonfur Galbeed.
Dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaan wali ka hadlin la wareegida magaaladda Buurhkaba, iyadoo tani ay dharbaaxo ku tahay maamulka cusub ee Aadan Madoobe.




