Ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka oo kaabiga ku haya degmada Ceelbuur

0

CEELBUUR (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay kaabiga ku hayaan degmada Ceelbuur ee gobolkaasi oo in ka badan 15 sano ku sugan yihin xoogaga Al-Shabaab.

 

Ciidamada huwanta ayaa dhowr jiho uga sii siqaya Ceelbuur, waxayna saacadihii ugu dambeeyay ay la warwegeen deegaano u dhow degmadaasi.

Shaafici Jaamac Cabdi oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ayaa Shabelle uga warbixiyay qabashada Ceelbuur, wuxuuna sheegay in haatan ay u jiraan 40 KM oo kaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in inta badan xubnaha Al-Shabaab ay isaga baxeen halkaasi, ayna gudaha u geli doonaan maalmaha socda.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shalay madaxweynaha Soomaaliya loo bandhigay qorshaha qabashada Ceelbuur iyo sida loo qaabeeyay howlgalka culus ee ku wajahan degmadaasi oo kamid ah meelaha ay ku xoogan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana qaybo badan oo kamid ah gobolka laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo ay wadaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here