Faah-faahino kasoo baxaya weerar culus oo xalay ka dhacay degmada Kaxda

0

MUQDISHO (SMN) – Faah-faahino ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku billowday qarax oo xalay Al-Shabaab ay ku qaadeen degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

 

Weerarkan ayaa waxaa lagu ekeeyay saldhigga iyo xarunta degmadaasi, sida ay innoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa la sheegay in marka hore lagu dhuftay saldhigga, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac.

Ugu yaraan laba askari ayaa ku dhintay weerarkan, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay tiro kale intaasi ka badan, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Xaaladda ayaa haatan mid deggan, waxaana Kaxda gaaray saraakiil ka tirsan laamaha amniga iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka, si ay u qiimeeyaan xaaladda guud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here