Ciidamada Xoogga dalka oo howl-gal ballaaran ka sameeyey gobolka Gedo

0

GARBAHAAREY (SMN) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay howl-gal ka sameeyey qeybo ka mid ah gobolkaasi oo sidoo kale hoostaga dowlad goboleedka Jubbaland.

Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ka sameeyeen nawaaxiga magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Sidoo kale waxaa howl-galkaasi horkacayey taliyaha guutada 10-aad qeybta 43-aad ee ciidamada Xoogga dalka Gaashaanle Sare Warfaa Sheekh Aadan Faroole iyo sidoo kale abanduulaha guutadaasi Gaashaanle Dhexe Cismaan Sheekh Cabdi Qorax.

Ujeedka howl-galka ayaa ahaa sidii loo xaqiijin lahaa amniga guud ee Garbahaarey, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidamada dowladda ee sameeyey baaritaanadaasi.

Garbahaarey oo xarun u ah gobolka Gedo ayaa ka mid ah magaalooyinka loo qorsheeyey inay ka dhacaan doorashooyinka dalka, gaar ahaan mid Golaha Shacabka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here