Soomaaliya oo ka qayb-galeysa shirweynaha guud ee SMIIC

0

RIYADH (SMN) – Maareeyaha Hay’adda Tayo-dhawrka Soomaaliyeed iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar shaqo ku jooga dalka Sucuudi Carabiya ayaa ka qeyb galaya Shirka lix iyo tobnaad ee Hay’adda Halbeegyada iyo Cabbirada Islaamka ee loo soo gaabiyo SMIIC.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Tayo dhawrka Soomaaliyeed Mudane Adan Xasan ayaa kulan duceedyo la yeeshay madaxda kala duwan ee ka kala socotay dalalka xubnaha ka ah SMIIC oo ay ugu horeeyaan Sucuudiga,Turkiga, Qadar, Nigeria, masar iyo Uganda.

Dawladaha xubnaha ka ah SMIIC ayaa soo dhaweeyey wadashaqeyn ay la yeeshaan Hay’adda Tayo dhawrka Soomaaliyeed, meelaha xoogga la saarey ayaa waxaa ka mid ahaa sidii la isaga kaashan lahaa Halbeegyada, Cabirrada iyo qiimeynta waafaqsanaanta taasi waxay Soomaaliya u fududeynaysa sidii ay u heli lahayd kobac dhaqaale iyo sidii dhoofka waxsoosaarka Soomaaliya uu u heli lahaa aqoonsi caalami ah.

Intii lagu gudajiray kulanka waxaa lagu ansixiyey soo jeedinta miisaaniyad sannadeedka 2022 ee SMIIC, ansixinta dhaqaalaha khasabka ah ee ay bixiyaan dalalka SMIIC xubnaha ka ah ee 2022, doorashada xubnaha golaha sare iyo xoghaya guud ee SMIIC 2022-2024.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here