Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo culus ka wada gobolka Bakool + Sawirro

0

XUDUR (SMN) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab qaybo kamid ah gobolka Bakool ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

 

Howlgallada oo ah kuwa qorsheysan ayaa ciidamadu waxa ay ka wadaan deegaano dhaca bariga iyo galbeedka degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Saraakiisha howlgalka wax ka hoggaamineysa ayaa shaaca ka qaaday inay burburiyeen saldhigyo ay xubnaha Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi, ayna khasaare gaarsiiyeen.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyadooda, ujeedkana uu yahay inay Al-Shabaab ka saaraan aaggaasi.

Bakool ayaa kamid ah gobollada ay ku xoogan tahay Al-Shabaab, waxaana inta badan ka dhaca weeraro ay ku qaado saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka ATMIS.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here