Sawirro: Muxuu ahaa ujeedka shirka ka dhacay xarunta Hay’adda SoDMA?

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Dr Axmed Cabdi Aadan ayaa xarunta dhexe ee SoDMA waxa uu ku qaabilay masuuliyiin ka socday hay’adda REACH, Kulankaan ayeeyna hay’addaan ku soo bandhigtay qiimeeynta sanadlaha ah ee Baahiyaha kala duwan ee ay qabaan dadka nugul (Mult-Sectoral Needs assessment- MSNA) 2023, waxaana qeyb ka ahaa Masuuliyiin katirsan SoDMA.

 

Xogtaas oo mid sanadlaha ah ayaa laga soo uruuriyay xaaladaha hab nololeedka dadka ay sameesay barakaca iyo sida kuwa barakacay iyo kuwa lagu soo baracayba dhinacayada biyaha, sugnaanta Cuntada, Nafaqada, Caafimaadka iyo adeegyada kale aas-aasiga ah.

Xog uruurintaan ayaa laga soo aruuriyay 59 Degmo oo dalka oo dhan ah taas oo wareesi toos ah lala yeeshay 10,500 oo qof 65% ay ahaayeen dumar halka 35% rag ahaayen.

Horaantii Bishii Juun ayeey Hay’adda SoDMA u ogolaatay in hay’adda REACH soo aruuriso xogtaan taas oo noqon doonto mid lagu dhiso doono qorshaha ka Jawaabista arrimaha bini aadannimo (Humanitarian response Plan) 2024.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here