Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyay Shabeellaha Dhexe

0

SHABEELLADA DHEXE – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo qorsheysan oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka fuliyay deegaannada Jabad Carbeyd iyo Dabagaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

 

Howlgalka ayaa waxaa fuliyay Ururka 195-aad ee Guutada 19-aad ee Kumaandooska Gorgor, waxaana lagu sheegay in ujeedkiisu ahaa xoojinta amniga iyo ka hortagga falalka ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ka wadaan qeybo ka tirsan gobolka.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in howlgalladan ay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu baacsanayo firxadka Al-Shabaab, kuwaas oo lagu eedeeyo inay carqaladeeyaan nabadda iyo xasilloonida dalka.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa maalmahan sii xoojiyay howlgallada militari ee ka socda Shabeellaha Dhexe, iyadoo lagu beegsanayo sida ay sheegeen goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan kooxaha hubeysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here