Ciidamada Xoogga dalka oo la wareegay deegaano ku yaalla gobolka Sh/Dhexe

0

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgallo qorshaysan ka wada Degaano katirsan Gobolka Shabeelaha dhexe, Howlgalka oo uu hogaaminayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage, ayaa Ciidanka Xooggu waxay ka fuliyeen deegaanada War-dhagax, war-ciise, Gaal leef, Qoor dheere, Jilable iyo Cali Fooldheere, oo dhamaantood ka tirsan Gobolka Shabeelaha dhexe,  kuwaasi oo ay horey ugu sugnaayeen dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab.

Afhayeenka ciidanka Xoogga Dalka Gaashaanle Sare Cali Xaashi ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalkan ay sidoo kale khasaare xoogan ku gaarsiiyeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Sidoo kale Afhayeenku waxaa uu hadalkiisa ku daray in Ciidamada ay weli howlgalka sii wadaan, isla markaana la filayo inay deegaano hor leh oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe kala wareegaan Al-Shabaab.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika AMISOM ayaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ka dhan ah Al-Shabaab ka waday koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here