Ciidanka ATMIS iyo kuwa Xoogga oo la wareegay deegaanka Cali Fooldheere

0

MAHADAAY (SMN) – Warsaxaafadeed ka soo baxay taliska ciidamada ATMIS ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada Burundi iyo kuwa Uganda oo kaashanaya ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ay la wareegeen deegaanka Cali Fooldheere ee gobolka Shabeelaha Dhexe halkaas oo ay maalmo kula dagaalamayeen xubanaha Shabaab.

 

ATMIS ayaa shaaca ka qaaday in la soo afjaray xubnihii Al-Shabaab ee ku sugnaa halkaasi, isla-markaana khasaare culus la gaarsiiyay.

Taliyaha ciidamada ATMIS Sareeye Guuto Sam Okiding ayaa yiri “Kaymaha Cali Fooldheere waxay si gaar ah sanadihii la soo dhaafay u noqdeen goob istaraatiiji ah oo ay argagixisadu ku qorsheeyaan weeraro lagu hoobto, kuna qariyaan hubka ay ka mid yihiin baabuurta loo adeegsado walxaha qarxa.”

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef ayaa u hambalyeeyay ciidamada isku dhafka ah ee weerarka ku guuleystay.

“Waxaan bogaadinayaa dadaalka geesinimada leh ee ay ciidamadeenna ATMIS, iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed ugu jiraan wiiqista Al-Shabaab. ATMIS waxaa si buuxda uga go’an fulinta Qorshaha kala guurka Soomaaliya kaas oo ku dhamaan doona in mas’uuliyadda amniga lagu wareejiyo ciidamada amniga Soomaaliya,” ayuu yiri.

Halkan hoose ka akhriso:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here