Faahfaahino kasoo baxaya duqeymo ka dhacay gobolka Gedo

0

CEELWAAQ (SMN) – Wararka laga helayo goblka Gedo ayaa sheegaya in markale xalay ay diyaaradaha dagaalka Kenya duqeymo ka fuliyeen qaybo kamid ah gobolkaaasi.

 

Duqeymaha ayaa saacadihii ugu dambeeyay ciidamada Kenya waxa ay ku garaaceen deegaano ay ka mid yihiin Khadiijo Xaaji, Faxfax-dhuun iyo Ceelcadde oo dhammaan hoostaga degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in duqeymahaas ay saameyn ku yeesheen dadka deegaanadaasj ee ku dhaqan goobaha la duqeeyay, kuwaas oo u badan xoolo dhaqato.

Sidoo kale ma cadda khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay weerarkaasi dhanka cirka ah oo ay Kenya ka fulisay gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Ujeedka bartilmaameedka duqeyntan waxaa lagu sheegay mid ka dhan ah Al-Shabaab oo iyagana ku sugan agagaarka deegaanada ay ka dhacday duqeynta ee aagga Ceelwaaq.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda Kenya ama maamulka gobolka Gedo ee ku aadan howlgalkaasi, waxaase haatan cabsida ugu xoogan ay soo wajahday dadka rayidka ah ee ku dhaqan halkaasi.

Duqeymaha ay Kenya ka fulineyso gobolka Gedo ayaa soo noqnoqonayay todobaadyadii lasoo dhaafay, waxaana weerarkii u dambeeyay ay fulisay 21-kii bishii hore ee September.

Kenya ayaa kamid ah dalalka dariska ah ee qaybta ka ah dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, waxayna sidoo kale ay ciidamo ka joogaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Si kastaba, duqeyntaan cusub ayaa ku soo aaday, xilli ay weli dalka ka socdaan dagaallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka, waxaana dagaalkaasi hoggaamintiisa furinta hore u joogo madaxweyne Xasan Sheekh oo muddo laba bilood ah ku sugan caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here