Ciidamada Xoogga & kuwa Galmudug oo la wareegay deegaano horleh

0

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Galmudug ay howl-gallo ka sameeyeen koonfurta gobolkaasi.

Howl-galladan ayaa daba socday weerar madaafiic ah oo dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku qaadeen magaalada Bacaadweyne ee gobolka Mudug.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadu ay weerarkaasi, kadib howl-gallo ka sameeyeen inta u dhexeysa degaanada Shabeelow iyo Camaara ee gobolkaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga ayaa shaaca ka qaaday inay la wareegeen deegaano horleh oo hoostaga Bacaadweyne, ka gadaal howl-gallo ay ka sameeyeen halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana ciidamada huwanta ay fariisimo ka sameysteen duleedka deegaanka Bacaadweyne, si looga hortago weerarada Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here