Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal ku qabtay gaari siday qaraxyo

0

GAALKACYO (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal ay si wadajir ah gobolka Mudug uga fuliyeen ciidamada Danab ee Xoogga dalka iyo Daraawiishta Galmudug, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanka Cadalle oo ku yaalla koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo ay dhowaan tegeen xoogag ka tirsan Al-Shabaab oo gubay guryo ku yaalla deegaankaasi.

Saraakiisha ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Danab ee howlgalka horkacayey ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen gaari siday qaraxyo iyo raggii waday sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi ku daray in xubnahaasi ay doonayeen inay qaraxyo dhigaan wadada isku xirta magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo, balse ciidamada oo ka war helay ay ka hortageen weeraradaasi.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa koonfurta gobolka Mudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here