Degmada Afgooye oo xalay u gudubtay wareega labaad ee tartanka Shabelle

0

MUQDISHO (SMN) – Tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle oo xalay si rasmi ah loo daah-furay ayaa waxaa ku tartamay degmooyinka Howlwadaag iyo Afgooye oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose.

Degmooyinkan oo lagu bilaabay kulankii ugu horreeyey ee tartanka ayaa waxaa la weydiiyey min 7 su’aal, waxaana ay guushu raacday degmada Afgooye.

Tartamayaasha Afgooye oo dadaal muujiyey ayaa keenay 10 dhibcood, halka Howlwadaag ay heshay 8 dhibcood, sida uu shaaciyey guddiga tartan aqooneedka Shabelle.

Sidoo kale waxaa caawa tartanka ku baratami doono degmada Hodan oo ka tirsan gobolka Banaadir iyo deegaanka Afbarwaaqo ee gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Sanadkan tartan aqooneedka Shabelle waxaa taaba-gelinaya shirkadda isgaarsiinta Somtel oo abaal-marin guddoonsiin doonto degmooyinka gala kaalmaha 1-aad iyo 2-aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here