Yeman – Ciidamada Yemen ayaa sheegay in meydadka maleeshiyaad Soomaali ah laga helay goobihii ay ku dhinteen xubno ka tirsanaa kooxda Xuutiyiinta, xilli uu socday dagaal u dhexeeyay ciidamada taageersan dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay iyo Xuutiyiinta.
Sida ay qortay warbaahinta The National, arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay isa soo tarayaan warbixinnada sheegaya inuu sii xoogeysanayo xiriirka iyo wada-shaqeynta u dhexeysa Xuutiyiinta Yemen iyo Al-Shabaab.
Dhowr jeer ayaa la soo wariyay inuu sii xoogeysanayo xiriirka u dhexeeya kooxahan, iyadoo illaa Qaramada Midoobay ay ka digeen xiriirka iyo wada-shaqeynta sii kordheysa.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Soomaaliya oo ku saabsan arrintan iyo wararka sheegaya in muwaadiniin Soomaali ah ay ku lug leeyihiin dagaallada ka socda Yemen.




