Kenya oo war kasoo saartay weerarada Al-Shabaab ee ku soo kordhaya dalkaasi

0
Solicitor general and Chairperson witness Protection Advisory board Shadrack Mose, Principal Administrative Secretary Interior Ann Ngetich and Witness Protection Director Jedidah Waruhiu during the launch of Witness Protection Agency strategic plan at Safari Park Hotel on June 22, 2023 Image: WINNIE WANJIKU

NAIROBI (SMN)Xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha Kenya Anne Nigetichi ayaa hoos u dhigtay cabsida laga qabo in dib loo furo xuduuda Soomaaliya ay weeraro ay geystaan dagaalyahanada Al-Shabaab.

 

Waxay sheegtay in weeraradii ugu dambeeyay ee loo adeegsaday Walxaha Qarxa aan lala xiriirin karin dib u furista baraha xudduudaha ee xirnaa in ka badan toban sano.

“Kororka weerarrada waa arrin walaac nagu haysa laakiin ma dhihi karo sababta waa dib u furista baraha xuduudaha,” ayay tiri.

Labadii toddobaad ee la soo dhaafay, in ka badan 20 sarkaal ayaa lagu dilay weerarro Al Shabaab ku qaadey degaannada ku dhaw Gaarisa iyo Lamu.

Ayada oo la hadleysay The Star ayay Anne xaqiijisay in dowladdu ay sare u qaadi doonto ammaanka si loo xakameeyo weerarada joogtada noqday, iyadoo ka codsatay dadka deegaanka inay la wadaagaan xog kasta oo waxtar u leh hay’adaha amniga.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa ku heshiiyey in dib loo furo saddex goobood oo xadka laga galo si loo kordhiyo ganacsiga iyo isu socodka dadka, lagana hortago khataraha amni darro.

Xiritaanka xuduudaha u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya ayaa soo billowday sanadkii 2011-kii, waxaana xirtay maamulkii madaxweynihii hore ee dalkaas Mwai Kibaki, kaddib markii ay soo bateen weerarro kaga yimaada Al-shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga Aadan Ducaale ayaa sheegay in dowladdu ay casriyeynayso ciidamada difaaca ee KDF iyo booliiska si loo soo afjaro weerarrada Al-shabaab ee gudaha dalka iyo Soomaaliya.

Intaa waxaa dheer, dowladdu waxay iibsan doontaa qalab casri ah saddexda bilood ee soo socota si ay uga caawiyaan booliiska iyo ciidamada KDF la dagaalanka maleeshiyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here