Ciidamo gaar ah oo loo diyaariyay ammaanka Muqdisho ka hor doorashadda Golayaasha deegaanka

0

MUQDISHO — Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay diyaarisay ku dhowaad 10,000 askari oo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed si ay u xaqiijiyaan ammaanka doorashooyinka golayaasha deegaanka ee la filayo inay Arbacada ka qabsoomaan caasimadda Muqdisho.

 

Wasiirka Amniga Gudaha, Maxamed Axmed Fartaag, ayaa sheegay in dhammaan qorshayaashii amni la dhammaystiray, si doorashooyinka loogu qabto si nabad ah oo hufan, iyadoo xoogga la saarayo badbaadada dadweynaha.

“Ciidamada boolisku waa kuwo heegan buuxa ku jira, waxayna awood u leeyihiin sugidda ammaanka codbixinta. Ilaalinta shacabka ayaa ah mudnaanta koowaad,” ayuu wasiirku u sheegay warbaahinta.

Sida uu sheegay, boolisku waxay sugi doonaan ammaanka codbixiyeyaasha, goobaha codbixinta iyo shaqaalaha doorashada inta ay socoto habraaca codbixinta.

Doorashooyinkan ayaa loo arkaa kuwo taariikhi ah, maadaama ay yihiin kuwii ugu horreeyay muddo ka badan 50 sano oo ay shacabka Muqdisho si toos ah ugu codeeyaan nidaamka “hal qof, hal cod”, kadib tobannaan sano oo colaad iyo doorashooyin dadban ku salaysnaa.

Hay’adaha ammaanka ayaa kordhiyay roondooyinka, baraha kantaroolka iyo wada-shaqeynta sirdoonka ee caasimadda, iyagoo ka digaya suurtagalnimada falal amni-darro oo ay fuliyaan kooxo hubeysan oo doonaya inay carqaladeeyaan geeddi-socodka doorashada.

Soomaaliya ayaa muddo dheer wajahaysay caqabado amni oo adkeeyay qabsoomidda doorashooyin toos ah, balse mas’uuliyiintu waxay sheegeen in doorashooyinkan ay calaamad u yihiin horumar dhanka dimuqraadiyadda ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here