Soomaaliya iyo Masar oo ballan-qaaday xoojinta iskaashiga amniga iyo horumarinta

0

QAAHIRA – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa Sabtidii shalay magaalada Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar, Dr. Badr Abdel Atty, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, kulan ka dhacay dhinacyada Shir-weynaha Wasiirrada ee Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika (Russia–Africa Partnership Forum) ee heerkiisa labaad.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Masar iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, maalgashiga, amniga iyo xasilloonida gobolka. Labada wasiir waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay iskaashi wax ku ool ah oo gacan ka geysta xasillooni waarta iyo horumar joogto ah.

Wasiir Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa soo dhaweeyay taageerada joogtada ah ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar ay siiso Soomaaliya, isaga oo adkeeyay ka go’naanshaha Soomaaliya ee xoojinta iskaashiga Qaahira, gaar ahaan dhinacyada diblomaasiyadda, amniga iyo dhismaha hay’adaha, isla markaana muujiyay muhiimadda dadaallada wadajirka ah ee gobolka si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta.

Dhankiisa, Wasiir Dr. Badr Abdel Atty ayaa bogaadiyay horumarka xiriirka Masar iyo Soomaaliya, isaga oo mar kale xaqiijiyay ka go’naanshaha Masar ee sii xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah. Waxa uu tilmaamay in dib-u-dejinta xarunta Safaaradda Masar ee Muqdisho ay kaalin weyn ka qaadan doonto xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo fududeynta isku-duwidda labada dal.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay arrimaha amniga ee gobolka, iyadoo Masar ay mar kale muujisay taageeradeeda xasilloonida Soomaaliya iyo Geeska Afrika, isla markaana adkeysay baahida loo qabo sii wadista maalgelinta caalamiga ah ee Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (OSSOM) si loo hubiyo waxtarkiisa.

Labada wasiir ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga la dagaallanka argagixisada iyo xagjirnimada rabshadaha wata, iyagoo ku baaqay in la kordhiyo isku-duwidda heer gobol iyo heer caalami si looga hortago khataraha saameeya nabadda iyo amniga gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here