Ciidamo hubeysan oo jirdil u gaystay ganacsatada Geella ee Siinka Dheer

0

MUQDISHO (SMN) – Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta ciidamo hubeysan oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Booliska Soomaaliya ay tageen suuqa lagu iibiyo xoolaha nool ee deegaanka Siinka Dheer.

 

Ciidamada ayaa lasoo wariyay inay jirdil u gaysteen qaar kamid ah ganacsatada suuqa, ayaga oo ku eedeyanaya inay ka biyo diideen amar lacag bixis ah oo lagu soo rogay.

Mid kamid ah ganacsatada suuqa ayaa Shabelle uga warbixiyay xiisadda ka taagan suuqa oo saameyn ku yeelatay dhaq-dhaqaaqa ganacsiga ka jira halkaasi, waxaana u sheegay in ciidamada iyo rag kale oo la socday ay kusoo rogeen neefkii Geella 4 dollar oo lacag ah.

Lacagtaas ayaa waxa ay tahay mid loogu sheegay in lagu hubinayo caafimaadka neefka xoolaha ee lagu iibinayo suuqa xoolaha ee Siinka Dheer.

Intaas kadib ayaa waxaa isku dhacay ciidamada tegay suuqa iyo ganacsatada oo qaarkood loo gaystay jirdil xoogan.

Si kastaba, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaas iyo cabashada kasoo yeereyso ganacsatada suuqa Siinka Dheer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here