Shacabka Soomaaliyeed oo ka hadlay diidmada Puntland ee shirka Muqdisho

0

MUQDIHO (SMN) – Qaar kamid ah shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa si weyn uga falceliyay go’aanka diidmda ee kasoo baxay Puntland, kaas oo lagu qaadacay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu iclaamiyay madaxweyne Xasan.

 

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxa uu Muqdisho ka dhici doonaa 20 illaa 21-ka bisha April ee sanadkan 2024-ka, sida lagu sheegay qoraalka casuuimadda ee Villa Soomaaliya.

Shacabka Muqdisho ayaa kasoo horjeestay diidmada Puntland, waxayna eedeymo culus u jeediyeen hoggaamiyaha maamulkaasi, Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni).

”40-jirka Somaliland maanta Soomaali iskuma yaqaano laakiin dadka Puntland ma’aha dad Soomaalinimada laga weecin karo, Deni kabaha ka go’aya” ayay yiraahdeen qaar kamid ah shacabka.
Halkan hoose ka daawo:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here