Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda oo ku dagaalamay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya iska hor imaad hubeysan oo maanta ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda ku dhex-maray degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir.

 

Ciidamada wada dagaalamay ayaa ka kala tirsanaa Booliska iyo Nabad Sugidda, kuwaas oo isku rasaaseeyay isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho.

Sida ay Shabelle u sheegeen dadka deegaanka ah khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dagalkaasi, waxaana isla goobta lagu dilay laba askari oo ka tirsanaa ciidanka Nabad sugidda ee dagaalka la galay Booliska.

Sidoo kale waxaa lasoo wariyay in khasaare uu soo gaaray qof shacab ah oo waddada mararay, xilliga uu bilaabanayay dagaalka dhex maray labada ciidan.

Xaaladda ayaa haatan deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan shaqaaqadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here