Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda oo ku dagaalamay Masaajid Cali Gaduud

0

CADALE (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan kuwa milatariga Soomaaliya oo xalay ka dhacay gudaha deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabelle.

 

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay kala shakiyeen labada ciidan oo isaga horyimid deegaankaasi, xilli ay ku jireen socdaal, sida aanu kasoo xiganay dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada isku dhacay ee Xoogga dalka oo laba qayb ahaa ay ku sii jeedeen furimaha dagaalka, waxaana mar qura ay oodda ay isaga qaadeen rasaas.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka ka qarxay goobta uu saacd qaatay isla-markaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kaas oo dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay ugu yaraan 4 askari ayaa ku dhintay dagaalkan, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale oo labada ciidan ah.

Dadka dhintay waxaa ku jira Kabtan Maxamed Axmed Abshir oo kamid ahaa saraakiisha dhalinyarada ee ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed, kaas oo watay garab ka mid ah ciidamada ku dagaalamay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana Meesha lagu dagaalamay gaaray mas’uuliyiin iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada dowladda, si looga hortago in xiisadda horleh ay ka dhalato halkaasi, maadaama dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay dagaalkii xalay ka dhacay halkaasi.

Masaajiid Cali Gaduud ayaa kamid ah deegaanadii ugu dambeeyay eel aga saaray Al-Shabaab, waxaana qabashada deegaankan ay qaadatay waqti dheer, maadaama ay ku wada dagaalameen ciidamada dowladda, kuwa deegaanka iyo Al-Shabaab oo muddo dheer ka arrimeysay deegaankaasi oo u ahaa istaraatiiji ka hir inta aan laga saarin.

Arrintan ayaa dad badan waxa ay tilmaameen inay dhalineyso niyadjab xoogan, maadaama ciidamadii qaranka ay dhexdoodii isku dilayaan deegaanadii ay xoreeyeen, balse waxaa dagaalkii xalay sabayay kala shaki soo kala dhex-galay labada ciidan oo si lama filaan ah isaga horyimid deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here