Duqa magaalada Muqdisho oo laami cusub ka dhax-dhigay Garasbaaley

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha waddo Laami ah oo laga hirgalinayo jidka mara suuqa deegaanka Garasbaaleey ee Gobolka Banaadir,.

 

Dhagax-dhiggan waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasada Gobolka Banaadir.

Dhismaha waddadan oo muhiim u ah isku socodka Suuqa deegankan ayaa ah mid ay wada sugayeen maamulka iyo bulshada reer Garasbaaleey maadaama isticmaalka waddadan lagu qabay dhibaato la xariirta burbur iyo dayac xumo balaaran.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ugu baaqay bulshada Caasimadda in ay xoojiyaan iskutashiga lagu horumarinayo dib udhiska iyo bilicda Magaalada.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here