Ciidan la kala dhex-dhigay maleeshiyaad ku dagaalamay gobolka Galgaduud

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug la kala dhex-dhigay maleeshiyaad ku dagaalamay tuulada Shuuriye oo hoostagta deegaanka Gadoon ee gobolkaasi.

 

Ciidamada ayaa la wareegay dhammaan goobihii lagu dagaalamay, halkaas oo ay ka bilaabeen howlgallo lagu sugayo amniga.

Guddoomiyaha maamulka deegaanka Gadoon, Mudane Cabdinaasir Cismaan Qooje oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in ciidamada ay ku guuleysteen inay kala qaadaan maleeshiyaadka, taas oo xaalad deganaasho kusoo dabaashay halkaasi.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in haatan ay socdaan dadaallo nabadeed oo la’isugu keenayo labada beelood, si xal waara looga gaaro xiisaddaasi.

Galgaduud iyo Mudug oo dhaca bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa kusoo laa laabta dagaal beeleedyada, kuwaas oo saameyn ku yeeshay shacabka ku dhaqan gobolladaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here