Muqdisho – Wasaaradda Difaaca Qaranka turkiga ayaa sheegtay in qaybaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed ay sii wadaan howlaha gelbinta iyo ilaalinta maraakiibta taageerada ee ka howlgala xeebaha dalka.
War kasoo baxay Wasaaradda difaaca dowlada Turkiga ayaa lagu sheegay in Ciidanka Badda Soomaaliya ay haatan wadaan taageerada iyo ilaalinta markabka “Çağrı Bey” iyo sidoo kale maraakiibta taageerada ee kala ah “Korkut”, “Altan” iyo “Sancar”.
Wasaaradda Difaaca Qaranka ayaa xustay in howlahan ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu xoojinayo amniga badda iyo ilaalinta maraakiibta ka howlgasha biyaha Soomaaliya, iyadoo Ciidanka Badda Soomaaliyeed ay sii labanlaabayaan doorkooda ku aaddan sugidda amniga xeebaha dalka.
Sidoo kale, dowladda ayaa marar badan adkeysay muhiimadda ay leedahay dib u dhiska iyo tayeynta Ciidanka Badda Soomaaliyeed si loo xaqiijiyo amniga badda iyo ilaalinta kheyraadka dalka.




