Ciidanka Booliska oo howlgallo ka wada duleedka Muqdisho

0
Three young men are led by a member of the Somali Police Force to a holding area with other civilians during an operation aimed at improving the security situation in the country's capital, Mogadishu, on May 21. AMISOM, in support of the Somali Police Force, last night cordoned off one square kilometer in the Wardhiigleey district of Mogadishu in an attempt to weed out members of the extremist group, al Shabaab. Many of the area's young men were temporarily detained by the SPF and then screened in order to determine whether they had any links to the group. AU UN IST PHOTO/ TOBIN JONES.

Muqdisho [SMN] – Ciidamada Booliska ayaa howlgallo kala duwan oo lagu xaqiijinayo ammaanka waxay ka wadaan degaanno ku yaalla Duleedka Magaalada Muqdisho.

 

Howlgalladana yaa xooggooda waxay ka socdaan Degaannada Ceelasha Biyaha iyo Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Saraakiisha Booliska qaarkood oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in howlgallada ay yihiin kuwa looga gool-leeyahay xaqiijinta ammaanka Magaalada Muqdisho.

Waxaa ay tilmaameen in ay kordhiyeen howlgallada maadaama sida ay sheegeen ay mas’uuliyad ay ka saaran tahay badqabka Shacabka Soomaaliyeed.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa is-bedel weyn laga dareemaya tan iyo markii ammaanka caasimadda loo gacan geliyay Ciidan dhowaan lagu soo tabbabaray dalka Uganda.

Ugu dambeyn, Ciidanka ayaa lagu soo daadiyay waddooyinka waa weyn ee Magaalada Muqdisho, iyadoona la arkayo iyagoo baaraya gadiidka dad weynaha midka sida gaarka loo leeyahay si looga hortaggo falalka ammaanka liddiga ku ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here