Ciidanka DANAB oo degaano horleh kala wareegay Al Shabaab

0

Muqdisho (SMN) – Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Kumaandooska DANAB ayaa lagu soo waramayaa in howlgallo qorsheysan ay ka fuliyeen Degaano dhaca Gobolada Bay iyo Shabellaha Hoose.

 

Howlgalladan oo ay sameeyeen Ciidamada Ururka 4aad ee Guutada  16aad ee DANAB ayaa Ciidanku waxaa ay kula wareegeen Degaannada lagu kala magacaabo leego iyo Jameeco oo ka kala tirsan labada Gobol.

Saraakiisha DANAB oo la hadlay Warbaahinta Dowladda, ayaa sheegay in ay burburiyeen Xarumo sida ay tilmaameen in Al Shabaab ay lacago uga qaadi jireen Shacabka halkaasi ku dhaqan.

Waxaa Saraakiishu ay sidoo kale shaaciyeen in ay sii wadi doonaan howlgalladan nuucan ee lagu baacsanayo Kooxda Al Shabaab si loo xaqiijiyo amniga Gobolada Koonfureed ee Dalka Soomaaliya.

Ciidanka DANAB oo ka mid ah kuwa uga tayada wanaagsan ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa tababaro iyo agab Ciidanba ka hela Dowladda Mareykanka, iyadoo Saldhigooda ugu weyn uu ku yaalla Degaanka Balidoogle ee Gobolka Sh.Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here